skip to content
Primary navigation

Ma tahay adeeg bixiye SNAP E&T ee raadinaya agab iyo kheyraad?

Booqo bogga bixiyaha SNAP E&T

Barnaamijka Shaqaaleynta iyo Tababarka ee Kaabista Kaalmada Nafaqo (SNAP E&T) wuxu tababar, waxbarasho, shaqaaleyn iyo taageero siiyaa dadka hela dheefaha SNAP. Ka qaybgale SNAP E&T ahaan waxaad heli doontaa taageero, xirfado, tababaro ama khibrad aad ku gaarto yoolashaada xirfadeed.

Hay'ado badan oo maxalli ah, oo ay ku jiraan kuleejyada/kulliyadaha farsamada iyo kuwa bulshada, ururada bulshada, wakiilada gobolka, maamulada qabiilada, xarumaha Cuddudada Shaqaalaha ayaa baxsha barnaamijyada iyo adeegyada SNAP E&T. Waxaad adeegyada iyo barnaamijyada ku heli kartaa inaad bixiyaha si toos ah ula xiriirto adigoo isticmaalaya xogta xiriirka ee ku qoran khariirada bixiyaha.

Adeegyada Shaqaaleynta iyo Tababarka

icon_careerpathway_1-01

Qorsheynta Xirfadaha Shaqo

Xirfadaha iyo waxyaabaha aad xiiseyso waafaji shaqooyin baahi loo qabo oo fursado koboc leh. Adeegyada waxaa kamid ah  hagitaanka oo kaalmo ka geysta aqoonsashada shaqooyinka u baahan xirfado, iyo qorsheyn yool.

icon_jobsearch_1-01

Shaqo raadin

Shaqooyinka si kalsooni leh u codso oo kordhi fursadaha aad guul kaga gaareyso shaqo raadintaada. Adeegyada waxa ka mid kaalmeynta istaraatijiyada shaqo raadinta, qorista taariikh nololeedka  iyo qiimeyntiisa, iyo u diyaargarawga wareysiyada shaqada.

icon_training_5-01

U tababarashada shaqooyinka baahida loo qabo

Shahaado la aqoonsan yahay dhakhso ku hel. Fursadaha tababarada waxa ka mid ah: laxaamadda, ku shaqeynta cagafta alaabada qaadda, makaanik, IT, kaalmada kalkaalinta, iyo qaar kale oo badan.

icon_education_3

Taageerada ardeyga

SNAP E&T waxa laga yaabaa inaad ka heli karto xarunta bulshada  ama  kulliyadaada farsamada  si aad ugu guuleysato dhanka dugsiga. Adeegyada waxa ka mid ah: taageero waxbarasho, talooyin shaqo, iyo hagis dhanka maaliyadda ah.

icon_financial_1-01

Taageero maaliyadeed

Taageero maaliyadeed oo kaa caawinaysa gaarista yoolashaada. Kharashaadka lagaa bixinaya waxa ka mid ah: gaadiidka, dharka shaqada, kharashaadka imtixaanada, kaalmada arrimaha degdega ah, iyo kuwa kaloo badan.

icon_follow-up_1-01

Taageero joogto ah

Markaad dhammeysato barnaamijka ee aad hesho shaqo fiican, SNAP E&T way kuu sii wadi kartaa taageerada si aad u sii korto oo ugu dhex kobocdo shaqadaada cusub.

Ma waajibaa inaad raacdo shuruucda shaqada ku xiran ee SNAP? 

Dadka helaya dheefaha SNAP qaarkood waa  inay buuxiyaan shuruudaha shaqo si ay u sii wataan helista dheefahooda. SNAP E&T waxay dadka ka caawin karaan buuxinta shuruudahooda shaqo iyo inay sii wataan helista dheefahooda SNAP muddo dheer.

Wax Badan Ka Sii Baro

Diyaar ma u tahay inaad bilowdo?

Soo hubi inaad u qalanto. Waxaad u baahan tahay inaad ka mid noqoto dadka hela dheefaha SNAP si aad uga qaybqaadato barnaamijkan. Haddii aadan helin dheefaha SNAP, dhanka SNAP khadka ka codso ama wac degmadaada maxalliga ah ama Qabiilkaaga.

Tallaabada 1.

Booqo khariirada bixiyaha si aad u hesho adeegyada SNAP E&T ee aagaaga.

Tallaabada 2. 

La xiriir bixiyaha aad xiiseynayso. Adeeg bixiyuhu wuxu kugu xiri karaa la taliye shaqo gelineed kaas oo kaa caawin kara diyaarinta qorshe xirfad shaqo oo aad ku gaareyso yoolashaada. 

back to top