skip to content
Primary navigation

Shuruucda Shaqada ee Waqtiga Xaddidani ee SNAP waxay bilaabmi doonaan Luulyo 1, 2023.

Waa maxay shuruucda shaqada ee waqtiga xaddidan?

Dadka hela SNAP qaarkoood ayaa dheefahooda SNAP ku kooban yihiin saddex bilood oo muddo 36 bilooda (3-sano) ah, illaa ay shuruudaha buuxiyaan maahane (hoos fiiri). Muddada 36-ka bilood ah ee SNAP ee hadda waxay ka bilaabmeysaa Jannaayo 1, 2023 illaa Diiseembar 31, 2025.

Shuruucda shaqo ee waqtiga ku xaddidan waxa la laalay muddadii ay jirtay xaaladda gurmadka caafimaadka dadwaynaha ee COVID-19, waxana markale la dhaqangelin doonaa Luulyo 1, 2023. Tani waxay la macno tahay in dadka hela dheefaha SNAP ee waqtiga xaddidani ay heli doonaan keliya saddex bilood oo dheefo ah inta u dhexaysa Luulyo 1, 2023 illaa Diiseembar 31, 2025, iyaga oo buuxiya shuruudaha maahane. Waajib maaha in dhammaan dadka hela SNAP ay raacaan shuruucdan.

Yay ku waajib tahay inay raacaan shuruucda shaqo ee waqtiga ku xiran? 

Dadka hela SNAP waxa laga yaabaa inay raacaan shuruucda waqtigu xadidu haddii ay:

  • Uu jiro da'da 18– 49
  • Aanu jirka ama maskaxda naafo ka aheyn; iyo 
  • Aanu la nooleyn qof ku tiirsan oo ka yar da'da 18

Sida loo buuxiyo shuruudaha shaqada

Bil kasta ugu yaraan 80 saacadood ku qaado  qabashada hawlahan soo socda midkood ama isku darkooda: 

  • Shaqo 
  • Ka qaybqaadashada tababar shaqo ama barnaamij shaqo ama
  • Tabarucaad

Barnaamij Tababar oo la ansixiyay ka hel barnaamijka Shaqaaleynta iyo Tababarka ee SNAP. Isticmaal khariiradda bixiyaha si aad u hesho hay'adaha bixiyaha waxqabadyo waxbarasho iyo tababar oo shuruudaha barnaamijka buuxinaya. 

Waxa laga yaabaa in aadan raacin shuruucda shaqo ee waqtiga ku xiran

Waxa laga yaabaa in aadan raacin shuruucda shaqo ee waqtiga ku xiran haddii: 

  • Aad uur leedahay
  • Aad bilaa guri tahay
  • Aad bilaa shaqo u tahay sababtoo ah waxaad leedahay xaalad caafimaad darro jireed ama maskaxeed
  • Aad helayso lacagaha dheefta shaqo la'aanta, ama aad codsatay dheef shaqo la'aaneed
  • Aad dhigato dugsi, kuleej, ama aad waddo barnaamij tababar oo ugu yaraan 20 saacadood todobaadkii ah
  • Aad ka qaybqaadato barnaamij daaweyneed maandooriye ama khamro la xiriira
  • Aad daryeelayso qof naafo ah ama xanuunsan
  • Aad shaqeysato $217.5 ama ka badan todobaadkii.


 

Sida loo codsado dhaafitaan/reebitaan

Wac shaqaalaha u qalmista ee gobolkaaga ama Maamul qabiileedka. Haddii ay xaqiijiyaan in lagaa dhaafay, lagaama rabo inaad raacdo shuruucda shaqada ee waqtiga ku xiran. 

Haddii xafiiska adeegyada aadamaha ee gobolkaaga ama Maamul Qabiileedkaagu xaqiijin kari waayo ka dhaafistaada, waxay kaa dalban doonaan xaqiijin. 

Maxaa dhacaya haddii aanan buuxin shuruudaha shaqo?

Haddii aad doorato inaad tijaabiso inaad buuxiso shuruudaha shaqada, waxaad heli kartaa bilo dheeraad ah markaad raacdo shuruucda shaqada. Haddii ku fashilanto inaad raacdo shuruudaha sahqada saddexdii bilood ee kastaba, uma qalmi doonti SNAP inta ka hartay muddada 36-bilood ah illaa aad bilowdo inaad soo buuxiso shuruudaha shaqada ama aad noqoto qof laga dhaafay shuruucda.

Aagaga laga dhaafay

Goobo khaas ah oo ka tirsan Minnesota ayaa laga dhaafay shuruucdan shaqada ee waqtiga ku xiran. Shuruucda waa laga dhaafay aagaga haddii heerkooda shaqo la'aantu ka sarreyso boqolkiiba 10, ama aanay jirin shaqooyin ku filan dadka aagaas ku nool. Waa lagaa dhaafay shuruucda shaqada waqtiga ku xiran haddii aad ku nooshahay "goobahaas laga dhaafay" u hogaansanka shuruucda.

• Clearwater County

• Mahnomen County

• Bois Forte Reservation

• Fond du Lac Reservation

• Grand Portage Reservation

• Leech Lake Reservation

• Mille Lacs Reservation

• Prairie Island Community Reservation

• Red Lake Reservation

• Shakopee Mdewakanton Sioux Community Reservation

• White Earth Reservation

Liiska goobaha laga dhaafay wuxu dhaqangalayaa Luulyo 1, 2023. Macluumaadkani wuu isbeddeli karaa.

Bayaanka Takoor-la'aanta

back to top