skip to content
Primary navigation

Taageeridda Qoysaska,
Saaxiibada & Deriska
Minnesota ee
Daryeela Carruurta

Markaad daryeesho carruurta qoyska, asxaabta ama deriska (FFN), waxaad bixinaysaa taageero muhiim ah oo ah ka caawinta carruurta, qoysaska iyo bulshada inay baraaraan. Ilmo-xanaaneeye un kaliya kuma koobnid; waxaanan u taagannahay inaan kaa caawino shaqadaada.

video-HowWeHelp

Si aad u hesho muuqaallo dheeraad ah, tag qayb Keyda Muuqaalada

child smiling in foreground friend and parent in background

Siyaabaha aanu u taageerno Daryeelayaasha FFN

book-icon

Waxbarashadda

 

Khayraad badan oo waxbarasho ayaa diyaar u ah daryeelayaasha FFN si ay carruurta uga caawiyaan waxbarashada hore iyo tan da'da dugsiga ee gudaha dugsiga iyo waxbarashada fogaantaba.

apple-icon

Nafaqada

 

Tababar iyo khayraad waxbarasho ayaa diyaar u ah inay ka caawiyaan daryeelayaasha FFN inay fahmaan oo ay horumariyaan nafaqaynta carruurta.

heart-medicine-icon

Caafimaadka & Fiyoobida

 

Barashada shucuurta bulsheed, caafimaadka iyo badbaadada, iyo xirmooyinka waxbarashada yaraanta ayaa ah dhowr ka mid ah agabyada la heli karo si looga caawiyo daryeelayaasha FFN inay dejiyaan jawi caafimaad qaba.

shield-icon

Badbaadada

 

Tababarka iyo khayraadka kale, sida gaadiidka, ayaa diyaar u ah inay ka caawiyaan daryeelayaasha FFN inay horumariyaan oo ay kor u qaadaan badbaadada carruurta.

Waa maxay nooca taageerada ay heli karaan daryeelayaasha FFN?

  • Tababarka iyo agabka ku habboon dhaqanka ee loogu talagalay daryeel bixiyayaasha FFN si kor loogu qaado loona horumariyo caafimaadka iyo badbaadada carruurta
  • Tababarka daryeelayaasha FFN si ay u taageeraan waxbarashada fogaanta ee carruurta da'da dugsiga ah
  • Barashada shucuurta bulsheed, caafimaadka iyo badbaadada, iyo xirmooyinka waxbarashada yaraanta ee daryeelayaasha FFN
  • Tiknoolajiyada si looga taageero isku xirka onlaynka ah iyo tababarka isticmaalka tignoolajiyada
  • Qoritaanka si loogu biiriyo daryeelayaasha FFN shabakadaha taageerada xirfadlayaasha
  • Waxbarashada ku saabsan shatiyaynta daryeelka carruurta
  • Waxbarasho ku saabsan Barnaamijka Kaalmada Daryeelka Carruurta, Deeqaha Waxbarasho ee Waxbarashada yaraanta iyo taageerooyinka kale ee maaliyadeed ee qoysaska
  • Gaadiid siinta daryeelayaasha FFN iyo qoysaska carruurta ee u diyaargarowga dugsiga iyo hawlaha kale ee tababarka horumarinta carruurnimada hore
  • Tababarka horumarinta carruurnimada hore ee dhaqan ahaan ku habboon
  • Iskudubaridka kulannada ciyaarta iyo barashada ee daryeelayaasha FFN
  • Dhisidda shabakadaha cusub ee FFN iyo xoojinta kuwa horay u jiray
  • Taageerada caafimaadka dhimirka ee daryeelayaasha FFN iyo shaqaalaha
  • Dhisidda kooxaha daryeelayaasha oo ka kooban qoys, guriga u saldhig yahay, FFN iyo daryeelka carruurta oo aan shatiyaysnayn ee sharciga ah
back to top