Isbedello ayaa ku imaanaya caymiska Medicaid, oo Minnesota looga yaqaan Caawimaadda Caafimaadka (MA). Weli wax isbeddel ahi ma dhicin, wax tallaabo ahna looma baahna hadda. Isbeddellada ugu horreeya waxay billaabanayaan Oktoobar 2026. Waxaan la socodsiin doonnaa dadka reer Minnesota marka faahfaahinta la xaqiijiyo.
Waa maxay isbeddelladan, qofkee ayay saameynayaan, oo goorma ayay dhacayaan?
Dadka waaweyn ee aan muwaadiniinta ahayn
Maxay: Isbeddel lagu sameynayo xaaladaha socdaalka ee u-qalmitaanka si dadka waaweyn ee aan muwaadiniinta ahayn qaarkood ugu qalmaan caymiska MA
Goorma: Oktoobar 1, 2026
Yuu Saameyn: Isbeddelkani wuxuu khuseeyaa dadka waaweyn ee aan muwaadiniinta ahayn ee da’doodu tahay 21 jir ama ka weyn oo aan uur lahayn, kuwaas oo leh xaalado socdaal oo gaar ah sida qaxooti, magangelyo-doon la aqbalay, dadka Afgaanistaan iyo Yukrayn ee ku jooga oggolaansho bani’aadamnimo (humanitarian parole), dhibbanayaasha ka ganacsiga dadka, dadka aan muwaadiniinta ahayn ee la dhibaateeyay, iyo halyeeyada ciidamada ee aan muwaadiniinta ahayn ee u qalma. Uma qalmi doonaan MA laga billaabo Oktoobar 1, 2026.
Kaliya dadka waaweyn ee aan muwaadiniinta ahayn (da’doodu tahay 21 jir ama ka weyn) ee aan uurka lahayn, kuwaas oo leh xaaladaha socdaalka ee soo socda, ayaa u qalmi doona MA.
- Dadka haysta sharciga deggenaanshaha joogtada ah (LPRs ama “dadka haysta giriin kaarka”) ee buuxiya muddada sugitaanka shanta sano ama laga dhaafay muddada sugitaanka shanta sano
- Soo galootiga Kuuba ama Heeti
- Muhaajiriinta ku hoos jira Heshiiska Xiriirka Xorta ah (COFA) – dadka muwaadiniinta u ah Micronesia, Palau iyo Jasiiradaha Marshall.
Fiiro gaar ah, carruurta ka yar 21 jir ee si sharci ah dalka ugu sugan iyo dadka uurka leh iyadoon loo eegin xaaladdooda socdaal waxay weli u qalmi doonaan caymiska MA.
Shuruudaha shaqada
Maxay: Shuruudaha shaqada ee dadka waaweyn qaarkood si ay ugu qalmaan caymiska MA
Goorma: Janaayo 1, 2027
Yuu Saameyn: Dadka da’doodu u dhaxayso 21 ilaa 64 jir ee aan la noolayn carruurtooda ka yar 19 jir, aan uurka lahayn, aan ahayn Hindida Mareykanka ama Dhaladka Alaska, isla markaana aan ku helin MA sababo la xiriira naafonimo.
Laga billaabo 2027, dadka waaweyn waxay u baahan doonaan inay soo sheegaan wixii la xiriiro shaqo, iskool, hawl iskaa wax u qabso ah, barnaamij shaqo, ama haddii laga dhaafay arrimahaas si ay u helaan ama u sii haystaan caymiska MA. Wax badan ka baro cidda ay tani saameyn karto, hawlaha u-qalmitaanka ee la aqbalo, waxa ay yihiin waxyaalaha laga dhaafayo qofka, iyo waxa aad hadda samayn karto si aad usii haysatid caymiskaaga.
Cusboonaysiinta lixdii biloodba mar
Maxay: Cusboonaysiinta lixdii biloodba mar ee dadka waaweyn qaarkood ee ku jira caymiska MA
Goorma: Janaayo 1, 2027
Yuu Saameyn: Dadka da’doodu u dhaxayso 21 ilaa 64 jir ee aan la noolayn carruurtooda ka yar 19 jir, aan uurka lahayn, aan ahayn Hindida Mareykanka ama Dhaladka Alaska, isla markaana aan ku helin caymiska MA sababo la xiriira naafonimo.
Laga billaabo 2027, dadka ku jira caymiska MA waxay u baahan doonaan inay cusboonaysiiyaan caymiskooda lixdii biloodba mar halkii ay ka ahaan lahayd sannadkiiba mar. Wax badan ka baro cidda ay tani saameyn karto, ogeysiisyada ay tahay in la fiiriyo, iyo sida looga fogaado hakad ku yimaada caymiska.
Caymiska dib-u-dhaqangalka ah
Maxay:Xaddidaadaha caymiska dib-u-dhaqangalka ah ee MA
Goorma: Janaayo 1, 2028
Yuu Saameyn: Dadka codsada caymiska MA Janaayo 1, 2028 ama wixii ka dambeeya
Sharciga federaalku wuxuu soo gaabin doonaa muddada dib loogu noqon karo ee uu caymiska MA ku bixin karo biilasha caafimaadka ee la daboolo ka hor inta uusan qofku codsan. Hase yeeshee, Minnesota waxay sii wadi doontaa bixinta saddex bilood oo caymis dib-u-dhaqangal ah inta lagu jiro 2027 iyadoo adeegsanaysa maalgelinta gobolka, taas oo dib u dhigaysa saamaynta sharciga federaalka ee dadka Minnesota ilaa Janaayo 1, 2028. Baro sababta ay wax codsiga xilli hore, wax cusboonaysiinta iyadoo waqtigeeda la joogo, iyo ka fogaanshaha hakadyada ku yimaada caymiska ay u yihiin kuwo aad u sii muhiimsan.
![]()
Qofkee ayaysan saamayn doonin arrimahaan?
Kaalmada Caafimaadka ee MA waxay door weyn ka ciyaartaa horumarinta qaybta daryeelka caafimaadka ee Minnesota iyo caafimaadka dadweynaha. Sidaas awgeed, dad badan oo reer Minnesota ah ayaa laga yaabaa inay la kulmaan saameynno dambe oo ka dhalan doona isbeddelladan waaweyn. Si kastaba ha ahaatee, diiwaangelinta Kaalmada Caafimaadka (MA) ee hadda jirta badankooda isbeddeladan si toos ah uma saameyn doonaan haddii ay:
- Ku helaan caymiska sababo la xiriira naafannimo
- Da'du tahay 65 jir ama ka weyn
- Da'du tahay 20 jir ama ka yar
- Uur leeyihiin
- Yihiin Hindida Maraykanka ama Dhaladka Alaska
Maxaan hadda sameeyaa?
Hel warar cusub
Si aad isugu diiwaangeliso wararka cusub ama aad u hesho dookhyadaada macaamiil ahaan, fadlan geli macluumaadkaaga xiriirka qeybta hoose.
Waxaa laga yaabaa in la dabaqo kharashka farriimaha iyo xogta ee taleefanka. Ku jawaab HELP (oo ah i Caawi) si aad u hesho caawimaad, ama soo qor STOP (oo ah Jooji) si aad u joojiso farriimaha. Inta jeer ee fariinta la soo diro way kala duwanaan kartaa.