skip to content
Primary navigation

Tallaabooyinka xiga

envelope-360x248Tallaabooyinka kuugu xiga ka dib macluumaadka cusbooneysiinta

Markaad boostada ku hesho macluumaadkaaga cusbooneysiinta.

Waxaad sameyneyso waa:

  1. Fur bakhshadda
  2. Akhriso oo buuxi waraaqaha.
  3. Sida ugu dhakhso badan noogu soo dir waraaqaha si uusan ceymisku kaaga daahin.

Haddii aad mar hore ceymis dooratay oo aadan u baahneyn ceymiska Medical Assistance ama MinnesotaCare, taleefan u dir degmadaada ama xafiiska beelaha dalkan loogu yimid.

 
 

Markaad furato bakhshadda waraaqaha cusbooneysiinta, waxaad ku arki doontaa

A: Foomka cusbooneysiinta oo ay ku jirto macluumaadka xiga ee la sameynayo.

Tusaale:

example-renewal-form

Akhriso tilmaamaha buuxinta foomka iyo haddii aad rabto sida aad caawimaad ku heli karto. Iska hubso in macluumaadkaagu yahay mid dhammeystiran oo sax ah.

B: Ogeysiis ah in ceymiskaaga si toos ah loo cusbooneysiiyey.

Tusaale:

example-auto-renewal-notice

Iska hubso in uu sax yahay macluumaadkaaga kuugu qoran ogeysiiska.

  • Haddii uu sax kuu yahay, ceymiskaagu waa okeey.
  • Haddii uu khalad ku jiro, ku soo qor wixii sixitaan ah oo waraaqda noo soo dir.
 

Sida ugu dhakhsaha badan u soo gudbi foomka cusboonaysiinta markaad buuxiso

BOOSTADA: Waraaqaha ku rid bakhshadda aad kuugu soo darnay, ku soo dheji istaam oo boostada noogu soo dir.

INTARNETKA: Waraaqaha noogu soo dir intarnetka adigoo gujinaya linkiga hoose.

XAFIISKA NOOGU KEEN AMA FAKIS KU SOO DIR: Waraaqaha noogu keen xafiiska ama fakis ahaan noogu soo dir sida ku qoran cinwaanka waraaqaha laguu soo diray. Cinwaanka iyo lambarka fakiska ee xafiiska ka eego hoos iyo diiwaanka degmada iyo beelaha dalkan.

TALEEFANKA: Macluumaadkaaga noogu soo sheeg taleefanka. La xiriir xafiiska degmada ama xafiiska beelaha dalkan loogu yimid. Ogow: Cusbooneysiinta khadka taleefanka waxay qaadan kartaa hal saac ama ka badan.

Soogudbi Waraaqaha Diiwaanka Deegaanka iyo Beelaha Dalkan Loogu Yimid
 

Ka warsug waraaqo ah la-socosho, farriimaha boostada intarnetka ama taleefan

Waxaa laga yaabaa in laguula soo xiriiro macluumaad dheeraad ah haddii laguu weydiinayo su'aalo ku saabsan waraaqaha aad soo dirtay. Noo soo sheeg wixii is beddela.

 

Cusbooneysiiso Sida Laguula Soo Xiriirayo

Waxaa muhiim ah inaan kula soo xiriiri karno marka la joogo wakhtiga cusbooneysiinta ceymiska caafimaadka.

Cusbooneysii Sida Laguula Soo Xiriirayo

La hadal qof shaqaale ah

La xiriir ceymiska caafimaadka ama caawiye, waxay rabaan in ay ku caawiyaan.

Diiwaanka Ceymiska CaafimaadkaCaawiyeyaasha MNSure
back to top