skip to content
Primary navigation

Miyaan u qalmaa?

Afaan Oromo | English | Español

Waxaad xaq u leedahay caymiska caafimaadka haddii aad:

  • Ku nooshahay Minnesota.
  • Buuxisid shuruudda dakhliga la iska doonayo.
  • Aadan heysan fursado kale oo lagu helo caymiska caafimaadka. (Haddii shaqadaadu ku siiso caymis caafimaad, weli u qalmi kartaa helidda MinnesotaCare haddii caymiska shaqadaada uu aad kuugu qaalisan yahay.)
  • Buuxisid shuruudaha dhalashada Mareykanka ama shuruudaha qofka soo galootiga ah. Si aad ugu qalantid waa inaad ama noqotaa:
    • Muwaadin Maraykan ah ama qof dhalasho Maraykan ah haysta, 
    • Qof haysta caddeynta warqadda muujinaysa inay carruurnimo ku soo galeen dalkan ee Deferred Action for Childhood Arrivals, taasoo sidoo kale loo yaqaan DACA ama Dreamer (Rajo-suge),
    • Qof si sharci ah ku jooga dalka, ama  
    • Ilmo aan sharci haysan oo da'diisu ka yar tahay 18 sano.

question-icon

Haddii aad buuxiso shuruudahan, waa inaad codsato.

Eligibility table

Tirada qoyska Dakhliga sannadlaha ah oo le'eg ama ka yar
1 qof $30,120
2 qof $40,880
3 qof $51,640
4 qof $62,400
5 qof $73,160
6 qof $83,920
7 qof $94,680
8 qof $105,440
 

Qofka aan u qalmin MinnesotaCare

Haddii aad u baahan tahay daryeel caafimaad balse aadan haysan caymis, weli waxaad haysataa fursado.

  • Caawimaad caafimaad ayaa loo heli karaa qof walba oo uur leh iyadoon loo eegin xaaladda soo-galootinnimo taasoo soconeysa ilaa 12 bilood ka dib dhalmada, ama ka dib markuu wax dhalo. Caawimaad caafimaad oo ah Medical Assistance ayaa sidoo kale loo heli karaa dadka adeegyada ka helaya Xarunta Dhibbanayaasha Jirdilka.
  • Waxaad buuxin kartaa xeerarka Gargaarka Caafimaadka Degdegga ah. Barnaamijkani wuxuu bixiyaa daryeelka caafimaadka degdegga ah kaasoo loogu talagalay dadka qaarkood ee ku jira qolka gargaarka degdegga ah ama galo isbitaal marka laga soo saaro qolka gargaarka degdegga ah. 
  • Waxaad ka heli kartaa daryeel caafimaad Xarumaha Caafimaadka ee Minnesota iyadoon loo eegin awooddaada inaad bixin kartid kharashka. Ka raadi xarun caafimaad oo kuu dhow bogga www.mnhealthcenters.org/find-healthcare
  • Waxaad sidoo kale u qalmi kartaa daawada sonkorta (insulin) oo qiimo jaban adigoo u marayo barnaamijka Minnesota daawadaas u qaabilsan ee Minnesota Insulin Safety Net Program. Wax badan ka baro mninsulin.org.
back to top