skip to content
Primary navigation

Barnaamijka farriimaha qoraalka ah ee daryeelka caafimaadka ee Minnesota Department of Human Services (DHS)

Minnesota Department of Human Services (DHS) waxay adeeg farriimo hal dhinac ah siinaysaa dadka qoran barnaamijyada Medical Assistance (MA), MinnesotaCare, Minnesota Family Planning Program, iyo Medicare Savings Programs.

Farriimahan waxa ka mid ahaan doona macluumaadka muhiimka ah ee u qalmista caymiska caafimaadka, sida farriimo ku xasuusinaya waqtiyada kama dambeysaha ama lagaaga codsanayo macluumaad ay maamulka degmada ama hay'adaha adeega ee qabiilka, ama DHS, u baahan yihiin si  ay dib ugu cusbooneysiiyaan caymiskaaga daryeelka caafimaadka.

Kuma weydiin doono macluumaad shaqsiyeed oo ka qaybgalkaaga barnaamijka farriimaha qoraalka ah waa ikhtiyaari. Doorashada in aadan ka qaybqaadan barnaamijku ma saameyn doonto u qalmistaada adeegyada.

Waxaanu farriinta ka bixitaanka koobaad u diri doonaa dadka lambarkooda taleefanka gacanta oo sax ku bixiya codsigooda caymiska daryeelka caafimaadka. Waxaad farriinta koobaad kaga jawaabi kartaa STOP si aad uga baxdo helitaanka wixii farriimo ah ee dambe ee ku saabsan u qalmistaada caymiska caafimaadka.

Su'aalo

Haddii aad qabto wax su'aalo ah ama si aad u hesho macluumaad dheeraad ah, HCCS kala xiriir lambarka 651-297-3862 ama 800-657-3672.

back to top