skip to content
Primary navigation

Goobo badan oo laga helo caawimaad

incomeKaalmada Degdegga ah (loogu talagalay qoysaska carruurta leh) iyo Kaalmada Guud ee Degdegga ah (loogu talagalay dadka waaweyn ee aan carruurta lahayn) waxay siisaa taageero maaliyadeed qoysaska ay soo foodsaartay kharashaadka degdegga ah ee lama filaanka ah (sida ka saarista guriga, jarista korontada iyo biyaha, ama khasaaraha ka dhasha dabka). Helitaanka Kaalmada Degdegga ah ama Kaalmada Guud ee Degdegga ah waxay ku xiran tahay ismaamulkaaga ama qabiilkaaga halka qofku ka codsado.

Loogu talagalay qoysaska carruurta leh

Marka ugu horraysa ee qoysasku codsadaan kaalmada lacagta caddaanka ah, waxay caadi ahaan ka bilaabaan Barnaamijka Shaqa Gelinta (DWP). Waa barnaamij afar bilood ah oo ka caawiya waalidiinta inay isla markiiba shaqo helaan halkii ay iska diiwangelin lahaayeen MFIP.

Barnaamijka Maalgelinta Qoyska Minnesota (MFIP) wuxuu bixiyaa macaashyada cunto ee kaalmada lacagta caddaanka ah Iyo Kaalmada Nafaqada Dheeraadka ah. Qoysasku waxay helaan adeegyo shaqo si ay gacan uga geystaan ku noqoshada shaqada waxayna u-qalmaan kaalmada daryeelka ilmaha.

Inta dadku ka helayaan labada barnaamijba waxay ku xiran tahay inta qof ee qoyskooda ka tirsan ee u-qalma kaalmada. Qoysas badan oo u-qalma MFIP oo aan ku noolayn guryaha ay dawladda dhexe kabto (sida Qeybta 8) ayaa iyaguna hela deeqda kaalmada guriyeynta ee MFIP ee dheeraadka ah.

Akhri wax badan

Loogu talagalay dadka waaweyn ee aan carruurta lahayn

Kaalmada Guud waxay siisaa $203 bishii shakhsiyaadka iyo $260 bishiiba lammaanaha haddii dhammaan shuruudaha soo socda ay khuseeyaan xaaladahooda:

  • Aysan carruur lahayn qoyska
  • Dahkligoodu yar yahay ama dakhli la'aan yihiin
  • Jirto jirro halis ah, naafonimo ama xaalado kale oo gaar ah oo xaddidaya awooddooda shaqo.

Akhri wax badan

Dadka qaangaarka ee naafada ah

Minnesota Supplemental Aid (MSA, Gargaarka Kabidda ee Minnesota) waxay siisaa $81 bishii dadka waaweyn ee kelidood ah iyo illaa $111 bishii lammaanaha qaata dakhliga kabida dhaqaale ee dheeraadka ah ee dawlada dhexe da'da ama naafonimada darteed. Qaar ka mid ah dadka ka weyn 65 ama naafada ah oo aan helin Dakhliga Kabitaanka ah ee Dheeraadka ah sababtoo ah dakhligooda oo xadka inyar ka sareeeya ayaa sidoo kale laga yaabaa inay u qalmaan Gargaarka Dheeraadka ah ee Minnesota. Kaalmada Gargaarka Guryeynta Dheeraadka ah ee Minnesota waxay caawisaa dadka naafada ah ee ku bixiya in ka badan 40 boqolkiiba dakhligooda xagga qarashka guryaha si ay u doortaan meesha ay ku noolaanayaan.

Akhri wax badan

Kaalmada lacagta caddaanka ah ee qaxootiga

Kaalmada lacagta caddaanka ah ee qaxootiga (RCA) waxay siisaa macaashyada lacagta caddaanka ah ee billaha ah ee dadka waaweyn ee keligood nool iyo lammaanaha isqaba ee aan haysan carruur aan qaangaarin ee ku yimid Mareykanka badbaado bini'aadantinimo. Macaashyada billaha ah waa $460 halkii qof ama $647 lammaanaha — ilaa siddeed bilood kadib taariikhda imaanshaha Mareykanka ama kadib taariikhda xaaladda u-qalmitaanka la oggolaaday. RCA waxaa heli kara dadka buuxiyo u-qalmitaanka dakhliga oo haysta mid ka mid ah sharciga socdaalka ee soo socda:

  • Qaxooti
  • Magangalyo-doon
  • Fiisaha Soogalootiga Gaarka ah ee Ciraaq ama Afqaanistaan
  • Dhibbanaha kala waaridida dadka
  • Ameerisiyaan
  • Kuuban ama Haitiyaan soogalooti ah

Akhri wax badan

astaan qaxooti

Adeegyada taageerada dakhliga keliya waa qaar ka mid ah adeegyada adiga iyo qoyskaaga laga yaabo inaad u-qalmataan inaad heshaan. Kuwa kale waxaa ka mid noqon kara daryeelka caafimaadka, daryeelka ilmaha, guriyeynta, iyo taageerada cuntada.

astaan daryeel caafimaad astaanta kaalmada daryeelka carruurta astaan guriyayn astaan taageero cunno

back to top