skip to content
Primary navigation

Soogudbi waraaqaha

Soo dir cusbooneysiinta Medical Assistance oo waraaqaha ku soo gudbi intarnetka

Hadda waa inaad soo dirto cusboonaysiinta Medical Assistance (MA) adiga oo waraaqaha aad buuxisay ku soo diraya ama isticmaalaya habka intarnetka ee lagu soo diro waraaqaha.

Soogudbi Waraaqaha

Muhiim:

Akhriso tilmaamaha hoose ee buuxinta foomka iyo haddii aad rabto sida aad caawimaad ku heli karto.

Iska hubso in macluumaadkaagu yahay mid dhammeystiran oo sax ah ama waxaa lagaa goosan karaa ceymiska caafimaadka.

Hel caawimaad

Hel caawimaad bilaash ah, sida intarnetka loogu soo diro foomka cusbooneysiinta, caawiye ayaan laguu hayaa. Guji "Diiwaanka Caawiyaha" (Assister Directory) ee ka hooseeya Hel Caawimaad Bilaash ah. Diiwaanka ka raadso caawiye u dhow deegaankaaga oo ku hadla afkaaga hooyo.

Caawiyeyaasha MNSure
 

Waxaad filaneyso

Waa inaad soo gudbiso foomka cusbooneysiinta ee aad buuxisay oo aad saxiixday adiga oo sawir uga qaadaya taleefankaaga. Waxa aad filaneyso waa:

  • Ugu horreyn, waxaan ku weydiineynaa xogtaada shakhsiyeed si laguu aqoonsado iyo si loo soo saaro feylka aad intarnetka ku soo gudbisay iyo kiiskaaga caafimaadka. Geli lambarka taleefankaaga iyo cinwaankaaga boostada intarnetka, haddii aad leedahay.
  • Waraaqaha waxaad si toos ah uga soo gudbin kartaa kambuyuutarka ama taleefankaaga.
  • Waxaad isku mar soo wada gudbin kartaa dhowr feyl.
  • Ka dib markaad soo gudbiso waraaqaha, waxaad laguu soo dirayaa lambar ah xaqiijin oo macnihiisu yahay in la helay feylashii aad soo gudbisay. Haddii aan kaa helno cinwaankaaga boostada intarnetka, waxaa lambarka xaqiijinta ah laguugu soo dirayaa boostada intanetka.
 

Waxaa lagaa rabaa

In aad sameyso waxyaabaha soo socda ka hor inta aadan soo gudbin waraaqaha:

  • Foomka cusboonaysiinta in aad buuxiso oo aad saxiixdo.
  • Taleefan casriga ah oo leh kaamarad ama qaadista sawir muuqda. Waxaa jira laba hab oo aad waraaqaha lifaaq ahaan ugu soo diri karto:
    1. Sawir ahaan kaamaradda ka soo dir foomka cusbooneysiinta.
    2. Sawirka bog kasta oo ah foomka cusbooneysiinta ka dhigo feyl (boggaga hore iyo gadaal).

Ha soo dirin waraaqaha soo socda:

  • Ogeysiiska Isticmaalka Xogta Shakhsiyeed
  • Ogeysiiska Xuquuqaha iyo Waajibaadka
  • Bogga Macluumaadka Turjubaanka
  • Macluumaadka Racfaanka

Iska hubso in macluumaadka foomka cusbooneysiinta si fudud loo akhrin karo iyo in ay feylasha ama sawir kasta yihiin wax loo arki karo si sax ah.

Lambarka kiiskaaga khasab ma aha, hase ahaatee, haddii aad ku soo qori weydo, waxaa laga yaabaa inuu dibudhac keeno oo la heli waayo waraaqaha kiiskaaga.

 

Ma soo lifaaqeysaa feylasha

Markaad waraaqo ku soo gudbineyso lifaaq ahaan, guji batoonka "Soogudbi Waraaqo" (Upload Documents), ku qor macluumaadka lagaa rabo, oo raac tilmaamaha ku sii xiga.

Soogudbi Waraaqaha

OGOW: Habka loo lifaaqa dhowr daqiiqo ayuu qaadan karaa in uu feylasha soo gudbiyo. Fadlan hubso inaad soo gudbiso feylasha aad rabto oo waa in ay kaaga muuqdaan liiska feylasha shaashadda ka hor intaadan gujin Dir. Sug ilaa inta aad ka hesho lambarka xaqiijinta ah ee kuu sheegaya in aad soo gudbisay feylasha ka hor inta aadan ka bixin meesha aad soo gudbineyso.

 

Waxa xiga

Degmadaada ama Beelaha Dalkan ayaa waraaqaha cusbooneysiinta meel u kala gelinaya habraac ah sida ay u kala horreeyaan. Xafiiska ayaa ka shaqeynaya cusbooneysiinta oo kugula soo diri doona waraaq haddii lagaa rabo macluumaad dheeraad ah. Ka warsug waraaqahaaga boostada wixii macluumaad dheeraad ah oo la xiriira kiiskaaga.

Haddii aad rabto in aad soo gudbiso wax dheeraad ah oo lagaa soo codsaday intii ay kuu socoto hawsha, waa in aad isticmaasho isla habraacii hore oo aad ku soo gudbiso wixii waraaqo cusbooneysiin oo dheeraad ah oo la xiriira ceymiskaaga caafimaadka.

Ka dib marka xafiisku sameeyo cusbooneysiinta, waxaa laguu soo dirayaa ogeysiis ah in aad ceymis heleyso.

Su'aalo iyo jawaabo Hel Caawimaad
 
information-speech-balloon-icon-200x170.png

Su'aalo kale?

Haddii aad su'aalo ka qabto sida aad intarnetka ugu soo gudbineyso waraaqaha, taleefanka ku qoran foomka cusbooneysiinta kula xiriir xafiiska degmada ama Beelaha Dalkan.

Diiwaanka Deegaanka iyo Beelaha Dalkan Loogu Yimid

back to top