skip to content
Primary navigation
 
 

Siyaabaha loo cusbooneysiinayo ceymiska

Markay soo dhawaato taariikhda cusbooneysiinta, samee waxyaabaha soo socda.

1-text-message-icon-212x150.png

Isa sii diyaari

Ogow taariikhda cusbooneysiinta oo hubso in ay sax tahay sida laguula soo xiriiri karo, si ay kuu soo gaaraan waxyaabo muhiim ah oo wakhtigoodu xadidan yahay.

Habka BaarashadaCusbooneysii Sida Laguula Soo Xiriirayo

 
2-important-information-enclosed-212x150.png

Dhug u yeelo bakhshad Dhibic Buluugan

Ka warhay waraaqaha boostada bakhshad leh dhibco buluug ah oo ay ku qoran tahay Lifaaqu Waa Macluumad Muhiim ah. Markay ku soo gaarto bakhshadda cusbooneysiinta ceymiska isla markiiba bilow.

 
3-paperwork-icon-212x150.png

Buuxi foomka waraaqaha

Soo uruurso waraaqahaaga oo ku sii buuxi foomamka oo dhan.

 
4-envelope-icon-212x150.png

Noogu soo dir wakhtiga lagaa sugaayo

Hubso in aad soo dirto waraaqaha cusbooneysiinta ka hor wakhtiga kama-dambeysta ah. Markaad waraaqaha soo dirto, waa wixii lagaa rabay—welwel la'aan!

 
 
information-speech-balloon-icon-200x170.png

Su'aalo?

Haddii aad haysato ceymiska MinnesotaCare, oo ay jiraan dad qoyskaaga ka tirsan oo haysta Medical Assistance iyo MinnesotaCare, ama haddii aad qabto su'aalo guud, soo garaac taleefanka Xafiiska Macaamiisha ee Daryeelka Caafimaadka ee DHS 651-297-3862 ama 800-657-3672. Haddii aad haysato Medical Assistance oo aad su'aalo ka qabto kiiskaaga, taleefan kula xiriir maamulka deegaanka ama xafiiska beelaha dalkan loogu yimid.

Diiwaanka Deegaanka iyo Beelaha Dalkan Loogu Yimid

 
 

Ma u baahan tahay caawimaad dheeraad ah?

Waxaan kuu caawineynaa caafimaadkaaga oo waxaan rabnaa in aan ku taageerno. Hoos ka akhriso dhowr waxyaabood oo kale oo kuu fududeyn kara habraaca muhiimka ah ee cusbooneysiinta ceymiskaaga caafimaadka.

Habka baarashada taariikhdaada cusbooneysiinta

Ogow markaad filaneyso waraaqaha boostada ee habka cusubooneysiinta.

Habka Baarashada

Cusbooneysiiso Sida Laguula Soo Xiriirayo

Waxaa muhiim ah inaan kula soo xiriiri karno marka la joogo wakhtiga cusbooneysiinta ceymiska caafimaadka.

Cusbooneysii Sida Laguula Soo Xiriirayo

La hadal qof shaqaale ah

La xiriir ceymiska caafimaadka ama caawiye, waxay rabaan in ay ku caawiyaan.

Diiwaanka Ceymiska CaafimaadkaCaawiyeyaasha MNSure

Ha lagaaga jawaabo waxaad xaq u leedahay

Hel jawaabaha su'aalaha cusbooneysiinta, sida macluumaad badan oo la sii duubay.

Macluumaadka Xaqu-yeelashada

Rukumo farriimaha cusub ee Boostada Intarnetka

Rukumo in aad hesho digniinaha boostada intarnetka ee macluumaadka boggan ku cusub.

Rukumo farriimaha Boostada Intarnetka
back to top